Daawo Sawirada Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dalka Talyaaniga

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Rome ee Xarunta Dalka Talyaaniga.

Taliyaha ayaa waxaa uu Casuumaad ka helay Mas’uuliyiinta Booliska Dalka Talyaaniga,waxaan safarkiisa ku wehliya Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiisha la socota waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa Labaad S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale oo booliiska Soomaaliya ka tirsan.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socota ayaa inta Talyaaniga ay ku sugan yihiin waxaa ay kulamo la qaadan doonaan saraakiisha booliiska dalkaasi iyo madax kale.

Taliyaha iyo Wafddigiisa waxaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Saraakiisha Booliska Talyaaniga,islamarkaan ay ka wada hadlaan xiriirka Labada Ciidan iyada oo Talyaaniga ay Ciidamo Saraakiil tababar ah ka joogaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa dhawaan Dalka Tunisia uga qeyb galay Shirka Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Taliyayaasha Booliska Waddamada Jaamacadda Carabta.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

xaamud

BH0A3262 BH0A3256 BH0A3257_1 BH0A3261