TACSI: R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Iyo Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

0

R/Wasaarahi Hore Ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa uga Tacsiyadeenaya Qoyskii, Qaraabadii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde waxa uu ahaa shaqsi aan saaxiibo ahayn, islamarkaana ahaa siyaasi, ganacsade caan ka ah guud ahaan Soomaaliya, runtii waxa kale oo uu ahaa nin aad u dal iyo dad jecelaa, waxaan aniga iyo Xildhibaan Caasha dhambaal tacsiyadeed u direynaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde iyo dhamaanba shacabka Soomaaliyeed meel walbaa oo ay joogaan, Waxaan kaloo Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde Allaah Subxaanahu Watacaalaa uga baryaynaa inuu Janadi Fardowza ahayd ka waraabiyo”  ayuu yiri R/wasaarihi hore ee Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).