Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Baladweyne

0

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in loo malaynayo in uu ahaa boorso saarneyd dad rakaab ah oo doonayay iney raacaan diyaarad taalay garoonka Ugaas Khaliif.

Wariyaheena magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in isbitaalka magaalada Beledweyne la gaarsiiyay dadka dhaawacyada ay kasoo gaareen qaraxa.

Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaanba laga joojiyay dhaqdhaqaaqii dadweynaha, waxaana mararka qaar la maqlaya dhawaqa rasaas magaalada ka dhaceyso.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa,waxaana la ogeyn khasaaraha kale ee ka dhashay.

Maamulka magaalada oo aan la xiriirnay ayaa wali ka hadlin qaraxa iyo nooca qaraxa uu ahaa.