Marwadii koowaad ee Hore ee Dalka Mareykanka oo geeriyootay.

0

Nancy Reagan oo muddo siddeed sano ah ahayd marwadada koowaad ee dalkan Maraykanka ayaa ku geeriyootay Gobolka Kalifornia.

Nancy Reagan waxaa qabay madaxweynihii hore ee waddankan ee 40-aad Ronald Reagan, waxaanay ay ku dhimatay da’da 94 sano.

Ronald Reagan waxa uu isagu dhintay sanandkii 2004 waxana uu qabay cudurka lalleelmada.

Labadooduba ka hor inta aysan is guursan waxay ahaayeen jilayaal wax ka dhiga filimada Hollywood.

Mas’uuliyiinta waddankan ayaa tacsi u diray carruurta ay ka tagtay, waxaana af-hayeenka qoyska uu sheegay in lagu garab aasi doono odaygeedii Ronald Reagan.

Xigasho VOA