DHAGEYSO WAREYSI:- Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay ahmiyad Heshiiskii Magaalada Kismaayo lagu gaaray

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo Midowga Yurub ayaa maanta magaalada Kismaayo ku kala saxiixday heshiis ku saabsan waxbarashada, wax ka qabashada aafooyinka abaaraha iyo shaqo abuuris.

Heshiiskan oo ku kacaya adduun dhan 11 Million oo Euro, ayaa diiradda lagu sarai doonaa dhalinyarada ku nool Deegaanada Jubbooyinka.

Heshiiskaan ayaa waxaa si wadjir ah u wada saxiixay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Wasiirka Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta Qaranka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan ceynte ayaa rrimahaasi ka wareysanay

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-