DHAGEYSO WAREYSI:- Siyaasi Cabdi Waal oo isagoo jeebeysan Muqdisho la soo gaarsiiyay iyo Taliska nabad sugida oo lagu wareejiyay

0

Siyaasi Cabdi Nuurre Siyaad ” Cabdi Waal ” oo ka mid ahaa hogaamiye Kooxyadii soo maray Dalka isla markaana hub fara badan ku dhex heysta magaalada Muqdisho.

Siyaasiga ayaa isagoo Jeebeysan waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka dib markii Diyaarad qaas ah loogu soo qaaday Dalka Kenya.

Waxaa loo gudbiyay oo caawa lagu xeray Saldhiga ugu weyn ee nabad sugida Soomaaliya, welibo isagoo jeebeysan.

Siyaasi Cabdi Nuurre Siyaad ” Cabdi Waal “ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu ku noolaa Dalka kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-