DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo war ka soo saaray Iskuulada Dowlada ee dabaqyada ka dhisan

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ayaa waxaa uu sheegay in Dugsiyada Waxbarashada Dhismayaasha ay lahaayeen ee Dowladdii dhexe ugu talagashay dadka deggan looga baahan yahay in ay banneeyaan.

Waxaa uu sheegay in Dhismayaasha qaarkood la qaatay dhag xaantii ku dhisnaa oo meel kale lagu dhistay,halka kuwana dhismayaal laga dhigtay lana milkiyay.

Maamulkiisa ayuu sheegay in aysan u dulqaadaneyn in la sii deganaado Dhismayaasha Waxbarashada eek u yaalla Kismaayo,waxaana uu ugu han jabay dadka Dabaqyada ka dhistay dhulka Dowladda in ay banneeyaan ama ay dumis wajahayaan.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dadka deggan dhulalka Dowladda oo ay Labaatan Sano degganaayeen in ay is laheysiiyeen Qofka loo sheegay ee ka kac la yiraahdana uu leeyahay waa la igu soo duulay.,waxaan uu intaa ku daray in taas aan la isaga hareyn loona baahan yahay in goobaha Waxbarashada la banneeyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-