Booliska Dalka Kenya oo laga dalbaday iney feejignaan ku jiraan

0

Ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska dalka Kenya Joel Kitili ayaa sheegay in Alshabaab ay ku hanjabeen iney weeraro ka geysan doonaan gobolka waqooyi bari dalka Kenya iyo wadanka intiisa kale, isaga oo sheegay in ciidamada booliska looga baahan yahay iney feejignaan ku jiraan waqti walbaa.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegay in Alshabaab mar walbaa laga fileysan karo iney weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Wuxuu hadalkaan u jeediyay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska kuwaasi oo xaflad loogu qabtay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

“Cadowgeena wuxuu mar walbaa isku dayaa inuu waxyeeleeyo shacabka intiisa kale uuna weeraro kusoo qaado, sidaasi daraadeed waa in ciidamada Kenya ee waqooyi bari iyo guud ahaan dalka feejignaan dheeri ah ku jiraan”ayuu yiri Mr Kitili.

“Waa inaan feejignaan ku jirnaa oo xiriir wanaagsan aan la sameynaa shacabka sidaasna waan ku badbaadeynaa, waxaana isla waqtigaa heli karnaa warbixinada ku aadan weeraro cadowgu qorsheeyo”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laamaha amaanka ay la qabsadaan wax ka badal kasta oo lagu sameeyo xaqiijinta dhanka amaanka si mar walbaa looga hortago hanjabaadaha iyo weerarada Alshabaab.

Kenya ayaa weeraro badan kala kulantay Alshabaab tan iyo sanadkii 2011 xiligaasi oo ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya.