WAR DEG DEG:- Wafdi ka socda Midowga Yurub iyo dowlada Federaalka oo gaaray Magaalada Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta oo Axad ah gaaray wafdi heer sare oo ka socda Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya.

Wafdiga gaaray Kismaayo waxaa hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiiro kale oo tirsan xukuumadda iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urs.

Wafdiga ayaa markii ay tageen Kismaayo waxay la kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubbaland, iyagoona intaas kaddib soo aaday xaafadda Farjano ee bartamaha Kismaayo halkaasoo madaxweynaha Jubbaland iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya ay dhaggax dhigeen Iskuul Boding ah oo laga helaayo wax kasta oo ah xagga waxbarashadda.

Dhismaha Iskuulkan waxaa bixinaya Midowga Yurub waxaana uu noqon doona Iskuul uu dhammeestiran yahay agabkiisa sidda ay sheegtay wasiirka waxbarashada Khadar Bashiir Cali.

Wafdiga wasiirka ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qeybo ka mid ah magaalada iyagoona sheegay in la ballaarin doono mashaariicda laga hirgalinaayo magaalada Kismaayo.