DHAGEYSO:- Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir Ceerigaabo oo ka warbixiyey habka uu noqonayo qaab dhismeedka wadadu

0

Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Cerigaabo ee gobolada Sanaag iyo Bari ayaa ka waramay qalab lagu dhisayo wadadaasi oo dhirirkeedu yahay 230km oo soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo la filayo bisha afaraad ee sanadkan in si rasmi ah loo bilaabo howsha lagu dhisayo wadada.

Cali Maxamuud Xasan oo ah gudoomiye xigeenka mashruuca dhismaha wadada ceel daahir iyo ceeri gaabo ayaa waxaa uu sheegey in bilowga mashruuca la gaarey uuna soo gaarey wajigii koowaad ee qalabka dhismaha wadadaas sida Baabuur waawayn booyado Rularo iyo qalab kale oo badan.

Dhismaha wadada ayaa uu sheegey inay ka horeyso shaqo aad u badan oo ah sahanka wadada halkaasna la qayn doono qalabka ciida lagu baarayo tayadeeda laguna ogaanayo buundooyinka gali kara halka ciida laga jarayo halka ciid lagu buuxnayo iyo shaqo badan.

Cali Maxamuud Xasan ayaa waxaa uu sheegey inay sahminayaan inta ciid ay ubaahan tahay dhagaxa ay u baahan tahay in lahubiyo halka looga qaadi lahaa dhagaxa jayga lasameeyo wixii ku bixi lahaa sida inta daamur u baahan tahay iyo wixii lamida.

shaqada ayaa waxaa loo istcmaali doonaa diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee lahago, GPRS iyo qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sahanka iyo qaabka wadada loo dhisayo oo ka duwan qaabkii loo dhisi jirey wadooyinka kale waxaana sahanka uu soo dhamaanaya bishaan sida uu shegey Cali Maxamuud Xasan.

Bisha soo socota APRIL ayaa waxaa bilaabanaya dhismaha tooskaa ee wadadan waxaana marka dhismaha uu bilowdo soo baxaya kharashka tooskaa ee wadadaan ku baxaya oo iska kaashanayaan dowlada Puntland iyo shacabkeeda sida uu mar kale sheegey Cali Maxamuud Xasan.

HALKAAN KA DHAGEYSO