XASAASI:- Saciid Jaamac Qoorsheel”Al-Shabaab kalama soocaan Masuul Hore iyo Mid hada shaqeeya Dowladana way dayacday Masuuliyadii amaanka ka saarneyd”

0

Iyadoo uu faraha kasii baxaayo amaanka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa soo baxaayo cabashooyin kasoo yeeraya Wasiiradii hore ee xilkooda ku waayay is jiid-jiidka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Somalia.

Saciid Jaamac Qoorsheel oo ah Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulista Hawada Somalia, ayaa DFS ku eedeeyay inay dayacday mas’uuliyadii ka saarneyd sugida amaankooda.

Saciid Jaamac Qoorsheel, waxa uu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay iyaga un isku mashquulsan yihiin taasina ay keentay in meesha ay ka baxdo mas’uuliyadii ka saarneyd madaxdii hore ee Qaranka u shaqeeyay.

Saciid Jaamac Qoorsheel, waxa uu tilmaamay in Dowlada hadda jirta aysan war u heynin amaanka Mas’uuliyiintii hore taasina ay keeni karto dhibaato soo foodsaarto mas’uuliyiintaasi dayacan.

”Waxaa marar badan dhacday in mas’uuliyiin farabadan ay beegsadaan kuwa aan arxanka laheyn, waxaa Dowlada laga doonayaa inay iska xilsaarto amaanka kuwa horay Qaranka ugu shaqeeyay”

Haddalka Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa imaanaya iyadoo maleeshiyaadka Al-shabaab aysan kala soocin mas’uul hore iyo mid hadda xil haya, waxa uuna DFS ka codsaday inaan la baal-marin xuquuqda mas’uuliyiintii hore.