Wararkii ugu dambeeyay ee Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Sh/Hoose

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose, dagaal ayaa wuxuu ka dhacay Gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo ciidanka Amisom.

Dagaalkaan ayaa yimid, ka dib markii ciidamada Shabaabka ay wadada u galeen kolonyo ciidamo Amisom ah oo ka soo ambabaxay Deegaanka Shalaambood kuna sii jeeday Deegaanka Numbar 60.

Waxa uu si gaar ah dagaalka kaga dhacay Deegaanka Bilaal oo ku dhaw Shalaambood, halkaasi oo ciidanka Amisom oo lugeynaya kuwa Shabaabka ay ku bilaabeen rasaas xoogan, kadibna dagaal toos ah halkaasi uu ka biloowday.

Dadka Deegaanka Bilaal, ayaa Warbaahinta gudaha waxa ay u sheegeen weerarka inuu ahaa mid culus oo ciidamada Amisom Khasaare lagu gaarsiiyay, balse aysan xaqiijin karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidamada Amisom gaaray.

Ciidamada Amisom ayaa markii dambe u suuragashay inay u gudbaan Numbar60 oo ay sii wataan safarkooda, kadib dagaalka halkaasi ku qabsaday.

Ciidamada Shabaabka ayaa weeraro dhabogal ah u dhiga ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo Amisom aysan ka hadlin dagaalkaan.

Shabaab ayaa Baraha ay ku faafiyaan Wararka waxa ay ku qoreen in gaadiid looga gubay ciidanka Amisom dagaalkaasi.