TOP NEWS:- Kumanaan Soomaali Ka Mid Ahaa Qaxootiga Kenya Oo Dib Ugu ugu soo laabtay Dalkooda

0

Inkabadan 60,000 oo qaxooti Soomaali ah ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya illaa iyo sanadkii 2014 kuwaasoo ku noolaa Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Kenya.

Haruun Komen oo ah Afhayeen u hadlay guddiga Qaxootiga ee dalka Kenya ayaa sheegay in horay dalkooda dib loogu celiyay illaa iyo 10,000 oo qaxooti ah kuwaas oo degenaa xerada Dhadhaab halka iyo 50,000 kalana ay siyaabo kale duwan ay dalkooda ugu laabteen si iskood ah.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in sanado badan ay caawinayeen Qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ee ku nool xerooyinka Dhadhaab iyaiyagoo ka saacidayay waxbarashada, Caafimaadka , Ganacsiga iyo waxyaabo kale iyagoo gacan ka helayay hay’adaha samafalka.