DHAGEYSO:- Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe

0

Duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in diyaarado kuwa dagaalka ah ay maanta ka geysteen deegaanno hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeymaha ayaa xoogooda waxa ay ka dhaceen Deegaanka Hargeysa Yareey oo hoostaga degmada Jilib halkaas oo illaa 3 goobood laga duqeeyay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gantaalada diyaaradahaasi qaar ay ku dhaceen dhul beereed ku yaalla deegaanka Hargeysa Yareey ee hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ma jiro Ciidamada AMISOM wax war ah oo ay ka soo saareen weerarada kala duwan ee maanta ka kala dhacay Gobollada Gedo iyo Jubbada dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO