Waxaa Maamulka iyo shaqaalaha Warbaahinta Allgalgaduud media ay raaligalin ka bixinaynaa qoraal been abuur ah oo maanta si qaldan loogu soo daabacay Warbaahinta Allgalgaduud Media.
Qoraalkan ayaa cinwaankiisu waxa uu ahaa (Qorshaha uu wado Wasiir Diini ma jecleysan doonto Beesha SADE iyo Warar hordhac oo laga helayo Kulamada uu la qaadanay), xogta uu xambaarsanaa qoraalkan ayaa gabi ahaanteed waxa ay ahayd mid xaqiiqda jirta aad uga fog, waxa uuna xambaarsanaa fikir dadyow aan danta dadka iyo deegaanada uu quseeyay ka shaqeenayn.
Qoraalka ayaa waxaa si qaldan kusoo daabacay shaqsi kamid ah howlwadeenada AGGM, waxaana sidaa awgeed mar labaad iyo mar sadexaadba akhristeyaasheena iyo dadka uu quseeyay qoraalkaba kasiinaynaa RAALI GALIN BUUXDA, Maadaama qoraalkaas iyo xogta uu xambaarsanaaba ay gabi ahaantood ahaayeen mid been abuur ah.