DHAGEYSO:- Qaabka uu u dhacay xukunkii maanta ay fulisay Maxakamada ciidamada qalabka sida

0

Maxakamada ciidamada qalabka sida Qeybteeda 60aad ayaa maanta 5 sano oo Xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamed Maxamed Abuukar oo xafiiska xeer ilaalinta qaranka hore ugu soo eedeeysay in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab.

Xukunka ayaa dhacay markii maxkamadda ay maanta u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay Maxamed Abuukar oo kolhore ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadibna isu soo dhiibay gacanta ciidamada, kaasi oo lagu dhaqancelinayay xarunta Sarindi ee degmada Xamar Jajab, halkaasi oo uu markii dambe ka baxsaday kuna laabtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 60aad Sheekh Aadan Maxamed ayaa ku dhawaaqaya xukunka Maxkamadda.

HALKAAN KA DHAGEYSO