DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dadka dhaleeceeya Ciidamada Dowlada ay u aqoonsanayaan Al-Shabaab

0

Shirka daah furka sharciga dib loogu egayay Booliska iyo Nabad Sugidda sida ay ula shaqeyn lahayeen isla markana u hoostagi lahayeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska ee Janaraal kaahiye.

Waxana daah furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya, Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyadOona ay ka qeyb galeen Madaxda labada gole ee Dowldada, Gudomiyaha Ggobolka Banaadir, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Boolsika iyo Nabad sugiida iyo madax kale.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaliya Xasan Sheekh Max’uud oo khudbad dheer oo dhinaca amniga taabanaysa ka jeediyay munasabadda ayaa shegay in dadka mas’uliyinta ee ku jira dowladda isla markana dacayadeeya ciidamada amniga ay dowladiisu u aqoonsantahay kuwa u adeega Al-shabaab isla markana raali ka ah ficilada ay sameyaan.

Dadka dacaayadeeya howlgallada Ciidamada Soomaaliya ee ku jira Dowladda yuu sheegay in ay u shaqeeyaan islamarkaana fuliyaan Ajendayaasha Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO