DHAGEYSO:- Culimada Puntland oo war ka soo saaray abaaraha ka jira deegaanada Puntland

0

Culima’udiinka deegaanada Puntland ayaa shacabka ku nool deegaanada Puntland ugu baaqay in ay u gurmadaan shacabka dhibaateysan ee abaartu sameysay.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay wanaagsan yahay in la isku gargaaro si loo caawiyo shacabka ku dhibaateysan deegaanada Puntland

Culi ma udiinka ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu baaqayaan shacabka ku nool deegaanada Puntland in ay iscaawiyaan oo ay istaageeraan.

Deegaano ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa ka jira abaaro iyo xaalad beni aadanimo, waxaana madaxweynaha Puntland uu u magacaabay guddiga gurmadka Deg Dega iyo abaaraha deegaanada Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-