DHAGEYSO:- Caruur iyo Haween lagu dilay Deegaanka Kaxandhaale Ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Kaxandhaale Ee Gobolka Galgaduud oo ku yaalla Xadka Gobolkaasi uu la wadaago Wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in Maleeshiyo Hubeysan ay ku dileen illaa Shan Ruux oo Caruur iyo Haween ah.

Cabdi Cali Xirsi oo ka mid ah Odayaasha Kaxandhaale ayaa Warbaahinta u sheegay in Maleeshiyada Hubeysan ay dileen Ilaa Shan Ruux oo ah Dad Birma geydo ah islamarkaana ay dhaawaceen ilaa 10 kale.

Maleeshiyada Dilka geysatay ayaa ka mid ah Dadka wax ka daga Degaankaasi,iyadoo dadkii ku dhaawacmay qaarkood la geeyay Degaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Nabadoonka u hadlay Dadka ku nool Degaanka Kaxandhaale ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay Falkaasi lagu dilay Caruurta iyo Haweenka ee ka dhacay Kaxandhaale.

HALKAAN KA DHAGEYSO