DEG DEG:- Qaraxyo Xoogan oo goor dhaw ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in goor dhaw halkaasi ay ka dhaceen illaa iyo 5 qarax oo ah Miinooyin nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwa is xig xigay, ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen Wadada Dheer ee Bartamaha ka marta Degmada Baardheere.

Ilaa hada Khasaaraha la og yahay ee ka dhashay Qaraxayadaan, ayaa waxa ay yihiin dhimashada labo ruux oo ka tirsan dadka shacabka ah ee Magaalada ku nool iyo geerida hal Askari oo la sheegay inuu ka mid yahay ciidanka Itoobiya ee ku sugan Magaalada.

Qaraxyadan ayaa lala eegtay ciidamada Itoobiya oo maraayay Bartamaha Degmada Baardheere, waxaana ciidanka Itoobiya ay soo saareen Miinooyin kale oo dhowr ah, kadib baaritaano ay sameeyeen.

Guud ahaan waxaa hawada ka maqan Isgaarsiintii Baardheere waxaana socda howlgallo ay wadaan ciidanka Itoobiya ee qaraxyadan lala eegtay.

Dadka Degmada Baardheere ayaa sheegay inay aad u argagaxeen markii ay maqleen Jugta dhowr Qarax oo Isxig xigta oo ka dhacday Bartamaha Magaalada.