Dad badan oo ku waxyeeloobay qarax doon ka dhex dhacay dalka Thailand.

0

Howlwadeenadda caafimaadka dalka Thailand ayaa sheegay in 58 ruux ay ku dhaawacmeen qarax ka dhex dhacay doon sida tagaasida loo raaco caasimada wadankaasi ee Bangkok.

Kooxaha gurmadka ayaa ku hawlan samata bixinta dad badan oo biyaha badda ku dhacay markii ay qaraxday doontii ay la socdeen.

Saraakiisha booliska Thailand waxaa laga soo xigtay in dadkiis qabaan dhaawacyo fudud waxaana wararku intaa ku darayaan in matorka doonta uu qarax sameeyay.

Muuqaal laga daawaday Telefishinka dawlada ayaa waxaa kasoo muuqday ciidamada iyo shaqaalaha caafimaadka oo u gurmanaya dad badan oo badda ku daatay.

Doonyaha sida tagaasida loo raaco aad bay ugu badan yihiin caasimada Thailand ee Bangkok.