DAAWO SAWIRADDA:- Markab siday geel laga dhoofiyay Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

0

Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ayaa Dekadda Magaalada Suweys waxa ay kusoo dhaweeyeen Markabkan siday in ka badan 2,600 oo neef Geel ah kuwaa oo laga dhoofiyay dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Soomaaliya Siid Xuseen Ciid , ayaa sheegay in xoolahan laga dajiyay Dekadda Masar ay timid kadib markii dalalka Soomaaliya iyo Masar ay heshiis arintan ku saabsan wada gaareen sanadkii hore.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la kordhin doono Xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso dalka Masar, waxa uuna xusay in dalka Masar loo dhoofin doono xoolo gaaraya 50,000 oo neef ka hor inta aan la gaarin ciidda Carafo.

Suuqan cusub ee dalka Masar uga furmay Xoolaha Soomaaliya ayaa la filayaa in dadka Soomaaliyeed uu u abuuro ganacsi ay ka faa’idaan, waxaana aad usoo dhaweeyay in dalka Masar la geeyo Xoolaha Soomaaliya ganacsatada gaar ahaan kuwa xoolaha dhoofiya.

Markaban siday geela ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee 20-sano kadib ku xirta Dekedda Aladbiyad ee magaaladda Suweys ee dalka Masar.

1 2 3 4