Xog+Sawirro:Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbaland, Kullamo Galabta Dhacay Iyo Xildhibaano Beri Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in meel wanaagsan uu marayo shirkii dib u heshiisiinta Jubbaland galabtana ay dhaceen kullamo albaabada u xiran saxaafadana banaanka ka joogaan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirkii dib u heshiissiinta Jubbaland uu marayo meel wanaagsna iyo gabagabadi wajigiisi koowaad dhawaana uu furmi doono wejigiisa labaad.

Galabta ayaa waxaa kulamo gaar ah yeeshay Wafdigii Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Diini iyo Siyaasiyiinti la socotay iyo Mas’uuliyiinti iyo Siyaasiyiinti Horey ku sugnaa magaalada Kismaayo, kulamadan oo lagu diyaarinayay gudiga farsamada iyo gudiga Marjaca oo dhiacyada siyaasiyiinta u wada dhan yihiin.

Waxaa muuqata in iminka Dhamaan siyaasiyiinta ay aad isugu dhow yihiin islamarkaana isku raaceen amaba si dhab ah ay uga go’an tahay inay kawada shaqeeyaan midnimada iyo danta guud ee guud ahaan dadka daga Jubbaland.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa maalinnimada beri ah in ay madasha shirka dib u heshiisiinta Jubbaland ee magaaalada Kismaayo soo gaaraan Xildhibaano kasoo kicitimaya magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo shirkan dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inuu noqdo mid miro dhala ayna kasoo baxaan qodobo muhiim u ah dadka reer ubbaland iyo deegaanadooda iyo maamulka Jubbaland.

stat

state1 state2 state3

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media