WAR DEG DEG:- Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo Isbitaalka Dhuusemareeb kala baxay Sedex Ruux

0

Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb oo xarun u ah Maamulka la baxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegaya in Xalay Isbitaalka Guud ee Magaaladaasi ay kala baxeen saddex Wiil oo Isbitaalka Dhaawac ku hayay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusunna ay Isbitaalka gudaha u soo galeen islamarkaana ay wateen saddex Wiil oo la joogay Sargaal dhaawac ah oo Gacanta ugu jira Ahlusunna oo lagu Magacaabo Liibaan Maxamuud Madaxweyne.

Saddexda Wiil ee Isbitaalka lagala baxay ayaa waxaa ku jira Wiil la dhashay Liibaan Madaxweyne oo Dhaawaciisa isbitaalka ku hayay ,waxaana ay ahlusunna u qaaday Dadkaan ay Isbitaalka ka wadatay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sababta ayaan ilaa hadda la ogeyn,waxaana Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay Labo Maalin ka hor Dagaal Culus oo Dad badan ay ku dhinteen.

Sidoo kale Shalay Magaalada waxaa gaaray Ciidamo aad u badan oo Itoobiyaan ah,kuwaas oo fariisimo Cusub ka sameystay Magaalada.