TAARIIKHDA WADANIGA:TAARIIKH NOLOLEEDKI ALLAHA U NAXARIISTEE HALGAME CABDULLAAHI CIISE MAXAMUUD?

0

Allaha U Naxariistee Halgame Cabdullahi Ciise Maxamuud aabihi waxaa la oran jiray Allaha U Naxariistee Ciise Maxamuud Hooyadiina waxaa la oran jiray Allaha U Naxariistee Mareero Diini Axmed Warfaa Dalal.

Taariikh nololeedkii Allaha U Naxariistee Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud.

Allaha U Naxariistee Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose sanadku markuu ahaa 1922, Allaha u naxariistee, Aabihii Ciise Maxamuud isaga oo yar ayuu geeriyooday, waxaana soo korisay Hooyadiis, Allaha U Naxariistee Mareero Diini Axmed Warfaa Dalal, C/llaahi Ciise iyo Hooyadiis waxay usoo guureen magaalada Muqdisho (Xamar), halkaas oo uu ka bilaabay dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii H/ Dhexe.

Dugsiga Qur’aanka iyo Wabaxashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Sanadkii 1938 waxa uu ka qalinjabiyay Dugsiga sare ee Talyaaniga wuxuuna noqday maamule Xafiis.

1938-kii, C/llaahi Ciise, isaga oo jira lix iyo toban sano, ayuu ka qalin jabiyey, dugsiga sare ee Talyaaniga wuxuuna noqday maamule xafiis.

1943-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee S.Y.L.

1944-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu laantii ugu horreysa ee S.Y.L ka furay Magaalada B/weyne

15-5-1947-kii, sanad-guuradii 4-aad ee S.Y.C, waxaa la doortay hoggaan cusub, oo ay yeelatay S.Y.C. waxaa xoghaye Guud loo doortay halgame C/llaahi Ciise Maxamuud.

KA QEYB GALKII SHIRKII BAARIIS(PARIS)

28-10-1948dii wuxuu ka dhoofay dalk si uu uga qaybgalo shir ka dhacay Baris gaar ahaan lexuss oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo 5tii ilaa lixdii may 1948 ku shiray London heshiiskaas oo la magac baxay “Sforza-Bevin plan oo Four Power Commission uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya. Isticmaarkii Ingiriiska wuxuu ugu talagalay in uu ku mudo Talaal sun ah C/llaahi Ciise Maxamuud. waxaa C/llaahi Ciise iska dhigay oo run ahaantiina ay isku ekaayeen mudane Maxamed Yuusuf Aadan,Muuro C/llaahi ahaan loo talaalay in muddo ahna u jiifay sariirta talaalkaas awgiis.

30/10/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka degay Magaalada London waxaana soo dhaweeyay Ducaale Maxa,ed oo ahaa xoghayihii SYL ee Cardiff iyo Ibraahim Maxamed oo ahaa Madaxii S.Y.L. ee Liverpooll.

3/11/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu la kulmay Xoghayaha arrimahad dibadda ee dalka Ingiriiska.
Maarso 1949-kii Halgamaa C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaas oo uu ka waday Diplomaasiyaddii uu xoriyadda Soomaaliya ugu raadinayay.

13/6/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxa uu SYL u soo diray qoraalkii caanka ahaa ee la magac baxay Appello ai Somali oo uu ugu sheegayey Guud ahaan Somaali Weyn,SYL iyo Beesha Caalamka qatarta uu wato qorshaha Sforza Bevin Plan, arrintaas oo misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay.

21/11/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu suura galay in Qaramada Midoobey soo saarto Go’aan Lambar 289(UN Resolution No 289)oo Koonfurta Soomaaliya xorriyadda lagu gaarsiiyo mudo toban sano ah Trusteeship-kana uu maamulo Talyaaniga, iyadoo la dhinac dhigay Guddiga Qaramada Midoobey ka socday oo ka kooban dalalka Masar, Filibiin, Colombia oo ilaalinayay howlaha xoriyadda gaarsiinta sida ay u socdaan.

18/10/1950-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud dacwad ayuu u qoray Qaramada Midoobey ee uu ku eedeenayo maamulka AFIS oo ka leexday waajibaadkii loo xilsaaray, waxa uuna ka codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi Qaran (Consultative Council) oo awood leh, wuxuu kaloo Qaramada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco Ajnabiga ku soo qulqulaya gaar ahaan kuwa Talyaaniga ah.

18/10/1950 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud dacwad ayuu u qoray Qaramada Midoobey ee uu ku eedaynayo maamulka AFIS in uu ka leexday waajibkii loo xilsaaray, wuxuuna ka ka codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi Qaran (Consultavative Council) oo awood leh, wuxuu kaloo Qaramada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco ajnabiga ku soo qulqulaya gaar ahaan kuwa Talyaaniga ah.

1954-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guuleystay siyaasad ahaan in uu Qaramada Midoobey ku qanciyo in la is-feersuro calaamadda Qaramada Midoobey, Talyaaniga iyo midka Soomaaliya.

WAQTIGII LOO DOORTAY RAYSALWASAARENIMADA

1956-1960-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Raiisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, waxaana Dawladdaas lagu dhisay Sharci No=1 ee 7/5/1956-dii.

1959-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu mar labaad ku guuleystay xilka Raiisul Wasaaraha.

12/4/1960-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu abaabulay saxiixayna dekereetadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Janeraalka u dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daauud Cabdule Xirsi.

1960-1964-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Wasiirka arrimaha dibadda.

1964-1967-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka.

1967-1969-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

1969-1973-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee kooxdii Militariga ahayd ay inqilaabeen lana xirxiray isagoo oo si sharci darro ah xabsiga ugu jiray muddo afar sano ah.

1973-1984-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu ahaa danjiraha Somaaliya u fadhiya dalka Sweden, isla markaana wakiil ka ahaa dhamaan waddamada la isku yirahdo Scandinavia.

QORSHAHIISII SIYAASADEED

Mudane C/llaahi Ciise si halganka loo dardar galiyo waxaa uu keenay qorshe siyaasadeed (Political program) magacii hore ee SYC waxa uu u beddelay S.Y.L (Somali Youth League) waxa uu soo saaray barnaamijkiisii siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob oo kala ahaa.

1. In la raadiyo gobanimadii iyo xorriyaddii shanta Soomaaliyeed oo midaysan.

2. In lala dagaalamo dhaqanka kala qaybinta ee qabyaalada ku dhisan

3. In laga taqaluso ciddii ka hortimaada danta Soomaaliyeed.

4. In waxbarashada lagu baahiyo dalka lana dhiso aqoonta iyo waxqabadka dhalinyarada.

5. In la qoro afka Soomaaliga.

1947-dii bishii November halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha dhexe ee S.Y.L ku gaareen mudo 10 sano ah ee truteeship-ka ay gaarsiiyaan guddi ka kooban afartii quwadood ee markaas jiray (Four power commission) kuwaas oo dalka yimid 7-dii January 1948-kii.

11-1-1948 halgame C/llaahi Ciise Maxamuud oo ku sugnaa Xarunta S.Y.L ayaa Por-Talyaanigii soo weerareen Xafiisyadii Xarunta S.Y.L,halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii Ha Noolaato oo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah 15 ruux oo Por-Tayaani iyo Xaawo Cusmaan ,Xaawo Taako.

20-1-1948- mudane C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu qaabilay Four power commission wuxuu u gudbiyey qorshaha siyaasadeed ee S.Y.L oo ahaa in muddo 10 sano ah Soomaaliya xorriyaddeeda lagu gaarsiiyo ayna gaarsiiyaan guddi ka kooban Four Power Commission.

31-10-1948 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud iyo Xaaji Ibraahim Cigaal waxay u direen Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Trygve lie warqad (memo) ah oo ay ugu sheegeen in Soomaalida inteeda badan ay doonayaan in Soomaaliya oo midaysan ay xorriyadda gaarsiiyaan afartii quwadood ee markaas jiray.

GEERIDIISII

24/3/1988-kii Allaha u naxariistee Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ku geeryooday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.GEESIGA DHULKIISA GUUSHA U HORSEEDA GEERIDA DISHAAY GEEDKAA HA BA’O.

29/3/1988-kii Halgame C/llaahi Ciise maydkiisa ayaa dalka la keenay isla maalintaasna waa la aasay, waxaa loo aasay si heer Qaran ah, iyada oo halgamaashii SYL dhamantood ay aaskiisii ka soo qaybgaleen intii markaa nooleyd iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo Dowladdii JDS oo uu hogaaminayay Allaha U Naxariistee Madaxweyne Jaalle Maxmed Siyaad Barre, waxaana mudo saddex maalmood ah hoos loo dhigay calanka Soomaaliya, waxaana dalka oo dhan ka dhacay baroordiiq Qaran.

Allaha u naxariistee Halgame C/llaahi Ciise wuxuu guursaday laba Haween ah, xaaskii ugu horreeyay waxaa la yiraahdaa Faadumo C/lle Maxamed waxa ayna u dhashay Sagaal Caruura oo ay ka mid ahayd Gabar hanaqaaday oo la yiraahdo Xaawo C/llaahi Ciise, Xaawa hadda iyana waa geeryootay waxayna ku dhimatay Magaalada Stockholm.Faadumo C/lle Xaaskii ugu horreeyey ee Cabdullaahi Ciise waxaa ay hadda ku nooshahay dalka Sweden Magaalada Stockholm.

Xaaska labaad waxaa la yiraahdaa Ruqiyo Shiikh Xuseen Cismaan, waxayna u dhashay Carruurtan kala ah:

Cali C/llaahi Ciise, Faadumo C/llaahi Ciise, iyo Xaliima C/llaahi Ciise.

ALLAHA U NAXARIISTO HALGAME CABDULLAAHI CIISE MAXAMUUD IYO DHAMAAN INTA LA MIDKA AHAYD EE NAFTOODA, LIXAADKOODA IYO MAALKOODABA U HURAY SHARAFTA IYO MIDNIMADA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED, WAA XAQIIQ IN WADANIGA DALKIISA IYO DADKIISA U HALGAMA  TAARIIKHDIISA AAN MARNABA LA HILMAAMAYN.

SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH!

‪#‎FREESOMALIA‬