DHAGEYSO:- Warar dheeraad ah oo laga helay ragii dilay Taliyii Booliiska ee Gobolka Saaxil

0

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee Somaliland ay soo qabteen 8 nin oo ka mid ah rag la tuhunsan yahay inay dileen taliyahii qaybta booliiska ee Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Casayr, oo todobadkan toogasho lagu dilay.

Wasiirka ayaa sheegay in ragan laga soo qabtay deegaanka Buuralayda ah ee magaalda Berbera kaga began dhinaca Bari.

Warancade waxa uu sheegay in dadka lasoo qabtay ay ka mid yihiin 11 qof oo la rumeysan yahay inay dilka ka dambeeyeen, islamarkaana ay ku raad joogaan saddxeda qof ee kale ee baxsadka ah.

Dadka lasoo qabtay ayaa waxaa ku jira qof dhaawac ah, sida uu sheegay wasiirka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-