DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku dhagan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid

0

Iyadoo Labadii Maalin ee la soo dhaafay Baarlamaanka Soomaaliya ay Su’aalo la xariira Amniga weydiinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo Taliyaasha Amniga ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxaa ay Ra’iisul Wasaaraha ka dalbadeen inuu Ficil u badalo hadaladii uu Baarlamaanka ka hor sheegay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada Amaanka dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda waxaa uu noo sheegay Arrimo Muhiim ah oo haddii la fuliyo si badal keeni kara,waxaan ka dalbaneynaa in hadaladii Baarlamaanka uu ka hor jeediyay uu Ficil u badalo oo aysan noqon Af kaliya wax laga sheegay”ayey dhaheen Xildhibaanada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Taliyaasha Amniga weydiiyay Su’aalo ku qotoma Amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa Amniga sii xumaanaya.

HALKAAN KA DHAGEYSO