DHAGEYSO:- Faah-faahin ka soo baxaysa qasaaraha ka dhashay madaafiic xalay ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Afgooye

0

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Xalay waxaa lagu Garaacay Tiro Hoobiyaal ah kuwaas oo ku dhacay xaafado Dad Rayid ah ay dagan yihiin.

Ilaa 5 Madfac ayaa ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye,iyadoo Hoobiyaasha ugu badan ay ku dhaceen Xaafadda Xaawo-taako ee Degmadaasi ku taalla.

Mas’uuliyiin ka tirsan  Maamulka Degmada ayaa sheegay in Madaafiicda ay ku dhaawacmeen ilaa 14 ruux oo Shacab ah.

Ciidamada Ammaanka Degmada ayaa Saaka baaritaano ka wada Degmada Afgooye si ay u xaqiijiyaan Ammaanka Degmadaasi.

Hayeeshee wali lama oga  halka laga soo tuuray Madaafiicdaasi Xalay lagu garaacay Degmada Afgooye.

HALKAAN KA DHAGEYSO