DHAGEYSO FAAHFAAHIN:- Qarax waxyeelo geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo iyo Warar kala duwan oo soo baxaaya

0

Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha  Kismaayo oo la yiraado Baar-caleen waxaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay qarax lagu sheegau inuu aha amino halkaasi lagu aasay

Inkastoo aanan la heli wali xaqiiqada hadana warar hordhac o la helaayo waxay sheegayaan in qaraxaasi miinada ay ku dhaawacmeen 3 qof oo shacab ah.

Baaritaano ay sameynayaan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa hada soconaya.

Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidan ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

HALKAAN KA DHAGEYSO