WAR DEG DEG AH: Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Diini Iyo Wafdigii Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii uu Hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Diini ee ka koobnaa Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo beesha Sade ay iminka gaareen magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Wafdigan ka kooban Odayaasha dhaqanka, Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Sade ay magaalada Kismaayo ay uga qaybgalayaan shirka dib u heshiisiinta Jubbaland.

Wafdigan balaaran ee uu hogaaminayay Wasiirka Gashaandhiga, Gen. Diini, ayaa waxaa ka mid ah, Dr. Cabdi Shire, Gen. Cali Madoobe, Cabdiwaaxid Goonjeex, Nabadoon Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa, Maxamuud Samatar, Maxamed Cabdi Kaliil, Col. Cabdi Cismaan Nuur Col. Cabdi Cigaal iyo Xildhibaanada Baarlamaanka sida Xildhibaan Shariif, Xildhibaan Cabdi Shire Cayaarjecel, Xildhibaan Magan iyo ragg kale oo badan.

Diyaarada ay la socdeen Wafdigan balaaran ayaa qadar daqiiqado ka hor waxa ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaana ay imika ku sugan yihiin qolka Martida Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa i loo galbiyo Hoteladi ay dagi lahaayeen.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media