WAR DEG DEG AH: Wafdi Balaaran Oo Isugu Jira Odayaal Dhaqan, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaal Dhaqan, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo beesha Sade ee ku suganaa magaalada Muqdisho ay iminka ka dhoofeen magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Odayaasha dhaqan, Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Sade inay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo halkaas oo ay uga qaybgalayaan shirka dib u heshiisiinta Jubbaland.

Wafdigan balaaran ee uu  hogaaminayay Wasiirka Gashaandhiga, Gen. Diini, ayaa waxaa ka mid ah, Dr. Cabdi Shire, Gen. Cali Madoobe, Cabdiwaaxid Goonjeex, Col. Cabdi Cigaal, Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa, Maxamuud Samatar, Maxamed Cabdi Kaliil, Col. Cabdi Cismaan Nuur iyo Xildhibaanada Baarlamaanka sida Xildhibaan Shariif, Xildhibaan Cabdi Shire Cayaarjecel, Xildhibaan Magan iyo ragg kale oo badan.

Diyaarada ay la socdaaan Wafdigan balaaran ayaa iminka ka duushay magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa saacad kadib ay tagi doonaan magaalada Kismaayo.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media