DHAGEYSO:- Xasan Xanafi Xaaji oo Maanta Maxkamad la hor geynayo

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta la hor geynayaa Xasan Xanafi Xaaji oo ku Eedeysan inuu maleegay Shirqoolo lagu Dilay Tiro Wariyaal ah,kuwaas oo inta badan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Xasan Xanafi ayaa dhawaan mar ay wareysatay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu wax ka maleegay Dilal loo geystay Wariyaal Soomaaliyeed oo lagu dilay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Xanafi ayaa loo heystaa inuu ka qeyb qaatay Dilal loo geystay Wariyaashii  kala ahaa Sheekh Nuur Abkey oo Warbaahinta Dowladda ka tirsanaa,Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Capital Voice,Cali iimaan Sharmaake,Agaasimihii Horn Afrik iyo Saciid Tahliil Axmed oo asna ahaa Markii la dilayay Agaasimaha Idaacadii Horn Afrik.

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xasan Xanafi ka soo qabtay Bishii December ee Sanadkii 2014 Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO