TOOS U DAAWO: Khdubadihi Wafdiga Wasiirka Iyo Maamulka Ka Jeediyeen Markay Gaareen Magaalada Kismaayo .

0

Wararka naga oo gaaraya magaalada Kismayao ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay gaareen magaalaadaasi wafdigii Balaarnaa ee uu horkacayay Wasiirka Gaashaandhiga Gen Diini ee isugu jiray Siyaasiyiita iyo Odayaasha Beesha Sade in halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne ku Xigeeka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka Jubbaland.

Wafdigan balaaran ee uu horkacay Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo isugu jiray Siyaasiyiin iyo Odayaasha beesha Sade ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Diini iyo Wafdiga uu horkacayay ayaa waxa ay magaalada Kismaayo u tageen sidii ay uga qaybgali lahaayeen dhameystirka shirka dib u heshiisiinta Jubbaland oo dhawaanahan ka socday magaalada Kismaayo lana filayo in maalmaha soo socdo uu ka furmo wejigiisa labaad magaalada Kismayao kaas oo u dhexeenaya Maamulka Jubbaland iyo Siyaaasiyiinta beesha Sade.

Dhinaca kale Kullanka soo dhaweynta ahaa ayaa waxaa khrdbado ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Gen. Fartaag, Wasiirka Gaashaandhigga Gen Diini iyo Dr. Cabdi Shire.

Isku soo wada duuboo shirarka ka furmaya Magaalada Kismaayo ayaa Waxaa lagu wadaa marka ay soo gaba gaboobaan inay kasoo bixi doonaan wax ku ool u ah ummada kuwada nool deegaanada Jubbaland iyo maamulka Jubbaland.

 

 

Hoos Ka Daawo Khadubadihi Oo Dhameystiran