DHAGEYSO WAREYSI:- Maxaa ka soo baxay Kulankii maanta su’aallo ku saabsan ammaanka lagu weydiiyay Ra’iisulwasaare Cumar ?

0

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gaba gboobay kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo Xildhibaannada Baarlamaanka su’aallo ku saabsan ammaanka dalka ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Taliyeyaasha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya qaarkood.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa daba socday kulan ay maalinnimadii shalay sidan oo kale Xildhibaannadu su’aallo weeydiin ugu soo bilaabeen waxaana maanta su’aallahooda dhiibtay in ka badan 20 Xildhibaan oo aan shalay su’aallo iyo fikir toona dhiiban amaba waqtigu ka dhacay.

Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa nooga warbixiyay waxyaabaha kulanka ka soo baxay.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA