DHAGEYSO WARBIXIN:- Dadka Xaafada Islii,Saraakiisha Amaanka,Xildhibaanka laga soo doorto Kama kuji iyo Ganacsato Kulan xasaasi isugu yimid

0

Shirkan oo looga hadlayay amaanka xaafada ay Soomaalidu ay ku badan tahay ee Islii oo ku taala magaalada Nairobi ayaa waxaa isugu yimaaday saraakiil ka tirsan laamaha amaanka dalka Kenya, xildhibaanka laga soo doorto deegaanka loo yaqaano Kama kuji, Ganacsatada iyo waliba dadka deegaanka ah ee xaafada Islii.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka lag soo doorto deegaanka Kama Kuji ee xaafada Islii ayaa waxaa uu sheegay in kulankaan uu ahaa mid muhiim ah oo lagu lafa guray sida amaanka loo sugi karo Soomaalidana ay qayb kaga qaadan karto.

Sidoo kale kulankan waxaa looga hadlayay sida Soomaalida ay kaga qeyb qaadan karto doorashooyinka  dadka deegaanka ee dalka Kenya, si Soomaalida ay u soo doorato dadka iyagu ay doonayaan.

Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku yaala ganacsi badan oo Soomaalida ay leedahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO