DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha NISA oo maanta mar kale Baarlamanka hortagaya

0

 

Kulanka Khamiis laha ah ee ay yeeshaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u baaqanaya  Su’aalo  Baarlamaanka ay weydiinayaan Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaalya.

Ra’isalwasaaraha ayaa shalay hortagay Baarlamaanka,waxaana ay weydiiyeen Su’aalo socday ilaa Maqribkii Xalay,waxaana lagu ballamay in maanta oo Khamiis ah la dhameystiro weydiimaha ay Xildhibaannada u qabaan Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

54 Xildhibaan ayaa isu diiwaan gelisay in ay Su’aalo weydiiyaan Ra’isalwasaaraha,waxaan ahadlay kaliya 27 ka mid ah 54ka Xildhibaan.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in Kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada uu hakinayo Khamiista,waxaana uu u sheegay in weydiimaha Xildhibaannada ay halkooda ka sii socon doonaan Maanta oo khamiis ah.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda ayaa sidoo kale ka qeyb galay Su’aalo weydiinta Baarlamaanka oo markii horeba iyaga u yeertay,waxaana manta ay qeyb ka yihiin Su’aalaha la weydiinayo Ra’isalwasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal in Kulanka Golaha Wasiirrada ee Khamiislaha ah,waxaana uu sheegay in Xildhibaannada ay Su’aalo weydiinayaan Ra’isalwasaaraha, Taliyaha Nabad SUgidda iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ka jooga Kulanka Baarlamaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO