DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay inay maxkamad soo taagayso dad ajnabi ah oo ay ku qabatay kaluumaysi sharci daro ah

0

Taliyaha ciidamada qeybta bada ee maamulka Puntland C.risaaq Diiriye Faarax ayaa waxaa uu ka warbixiyay dad ajaanib ah oo u dhashay dalka Yaman kuwaas oo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha gobolka Bari.

C.risaaq Diiriye ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in nimanka ay gacanta ku hayaan maxkamdana la soo taagi doono si sharciga loo mariyo.

Taliyaha ciidamada ee qeybta bada maamulka Puntland C.risaaq Diiriye Faarax ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli shalay ciidamada bada maamulka Puntland ay soo qabteen dad ajaanib ah oo u dhashay dalka Yaman iyagoo xeebaha gobolka bari ka waday howlo kaluumeysi sharci daro ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO