DAAWO:- Qaabkii uu u dhacay xukunkii Lagu Riday Dilaa Xasan Xanafi

0

Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay eedeysane Xasan Xanafi Xaaji.

Xasan Xanafi, ayaa xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka illaa afar wariye oo Muqdisho lagu dilay sagaalkii sano ee u dambeeyay.

Xasan Xanafi Xaaji, ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo shaqeeyay idaacadda Quraanka Kariim ee magaalada Muqdisho, markii dambana waxa uu ku biiray ururka Al-Shabaab.

Bishii August ee sanadkii 2014-ka ayey sir doonka Kenya oo kaashanaya sirdoonka Somalia waxey ka soo qabteen Xasan Xanafi Magaalada Nairobi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

https://www.youtube.com/watch?v=pnTWhmCaMbI