WAR DEG DEG AH + DHAGEYSO: Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe Ee Ahlu Sunna Oo Ka Warbixiyay Dagaalka Dhuusamareeb.

0

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay khasaaraha dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo ciidamo uu hogaaminayo Liibaan Madaxweyne oo horey kaga goostay Ahlu sunna.

Afhayeenka Mursal Maxamed Xeefow oo ka mid ah Ahlu sunna ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb uu sababay khasaaro badan.

Dagaalkan ayaa Ku dhawaad 12 ruux  la sheegayaa inay ku dhinteen, dagaalka ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday magaalada Dhuusomareeb, sidoo kalena waxaana jiro khasaaro hantiyeed oo dagaalkan uu reebay.

Dhinaca kale Mursal, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu sunna haatan si buuxda ay gacanya ugu hayaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaana sidoo kale ahlu-suna ay gacanta ku dhigtay sarkaalkii la dagaalamayay Liibaan madaxweyne oo dhaawac ah.

 

 

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media