DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Dhuuso mareeb oo degan iyo Ahlu Sunna oo gacanta ku heyso Liibaan Madaxweyne

0

Dagaal maanta ka dhacay magaalada Dhuuso mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxa ku dhintay 10 qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha maamulka Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamo uu hogaaminaayay Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne iyo ciidamada Maamulka Ahlu Sunna eek u sugan magaalada Dhuuso mareeb.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa gacanta ku dhigay Sarkaalkii hogaaminaayay dagaalka Dhuuso oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne, isagoo welibo dhaawac ah sida ay sheegeen maamulka Ahlu Sunna.

Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefoow ayaa ka warbixiyay dagaalka ka dhacay Dhuuso mareeb iyo qaabkii ay ku soo qabteen Sarkaalka.

Dhanka kale Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ka mid ah Siyaasiyiinta gobolada dhexe oo ka hadlay dagaalka Dhuuso mareeb ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale lagu kor dagaalamo shacabka gobolada Dhexe.

Waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuuso mareeb in ay joojiyaan dagaalka oo ay u naxaan shacabkooda.

Sidoo kale Maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Dhuuso mareeb ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan maamulkooda ay ku lug lahaayeen dagaalka Dhuuso mareeb.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wararkaasi ay been abuur yihiin isla markaana aysan jirin ciidan ka tirsan maamulkooda oo ka qeyb galay dagaalkii maanta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-