DHAGEYSO:- Booliiska magaalada Baladweyne oo amaro amniga la xiriira soo saaray

0

Taliyaha Ciidanka booliiska magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Cali dhux mahad Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan gaadiidka yar yar gaar ahaan kuwa raaxada aan ka dhigi Karin goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida maqaayada iyo hoteelada.

Waxa uu sheegay in magaalada baladweyne ay ka wadaan howl galo loogu hortagayo qaraxyo iyo falal amni daro oo ka dhaca magaaladaasi, waxa uuna xusay in ay ku dadaalayaan in ay xaqiijiyaan amniga magaalada baladweyne.

Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay  in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amaanka ee gobolka Hiiraan si loogu hortago qaraxyo iyo Weeraro ka dhacay magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay in shacabka magaalada baladweyne loogu baahan yahay in ay feejignaan dheeri ah ka galaan dhibaato ka dhacda magaalada baladweyne.

Hoos ka Dhageyso Codka:-