Qalinkii Yuusuf Garaad: Siyaasadi waa Maxay? & Jawaabta Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

0

Cabdi Muxumed Amiin oo ahaa mufakir, hal abuur, bulsho kiciye, jilaa iyo jabhad ayaa hadda ka hor gabay dheer oo uu tiriyay waxaa ka mid ahaa qeyb uu ku kala caddeynayo waxa aanay siyaasaddu ahayn iyo waxa ay tahay.

AUN Cabdi Muxumed waxaan ku qiyaasay in uu gabaygan aan qaar ka soo qaatay uu tiriyay horraantii sagaashanaadkii.

Wuxuu yiri:

Dab munaafaq shiday wuxuu gubaa cido ka dimmoone
Badawnimo jidkey kaa duwdaa oo duur ku marisaaye
Waxay kaa dabooshaa indhaha oo wey ku dilataaye
Dariiq oodan bey kuu tustaa dow haloosiyahe
Goortaan derbiga taabannaan dib u riyoonnaaye
Siyaasaddu dagaal keliya iyo daabbad wado maaha
Siyaasaddu qabiil didaya oo dooxataa maaha
Siyaasadu dakana leysu qabay dabaggalkeed maaha
Siyaasaddu ris doofaar ka kacay daaqso ido maaha
Siyaasadu dareenkoo lumiyo dowdarnimo maaha
Bililiqo in aad doonatiyo dumarka boob maaha
Dadka oo la liidiyo adoo door isbida maaha
Dabarkoo la goostiyo sidii duunyo carar maaha
Tuug derejo in uu yeesho oon deysannaa maaha
Qabiil waa wax dumiyee in uu nala degaa maaha
Dadnimadu in Qarankeen dumo oon cidi daneyn maaha
Waa dabacsanaan iyo waxgarad lagu dareeraaye
Danta gaara oo laga tagiyo iyo daacadnimo weeye
Soomaalinnimo loo dabcoo leysku dumo weeye
Taan dunida eegno oo masayr uu na dilo weeye
In aan dowlad noqonno oon wax kale cidi daneyn weeye
Dhaqaalaha dalkoo loola kaco dowga mudan weeye
Dibad raashin laga keenayoo idilba diid weeye
Dalaggaaga beeroo cuntada soo daldalo weeye
Haddii kale dadnimadeen luntaye duugga bal aan eegno.