DHAGEYSO:- Yuusuf Daba Geed oo sheegay Cida lagu wareejiyay Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba geed) oo Shalay Galinkii Danbe dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hadda laga bilaabo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay si toos ah uu wadi doonaan guddoomiyaasha labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe doorka Dowlada Federaalka uu noqon doono mid farsamo.

Yusuf Axmed Hagar guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne kadib markii uu ka soo laabtay dalka Turkiga oo uu kamid ahaa madaxdii ka qeybgashay shirkii ka dhacay ayaa rajo ka muujiyay in dhowaan dib loo bilaabo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan oo muddo bil kabadan hakad ku jiro.

Waxa uu Sheegay in isaga Guud laawe iyo Madaxweyne Xasan ka fariisteen dib ubilaabida shirkii Madaxweynuhu 12kii Bishiii hore ka furay Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Gobalka Sh.Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Daba geed) ayaa lagu wadaa in kulamo iyo shirar wadatashi ah uu la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan si looga tashado arrimaha maamul u sameynta labada gobol.

Caqabadaha ugu badan ee xilligan ku hor gudban shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka mid ah awood qeybsiga iyo tirade ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameeynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen oo sidoo kale dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaan weli ka hadlin arrimaha shirka hakadka ku jiro, hase yeeshee waxa uu guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe uu la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka isagoo ugaga warbixiyay shirkii uu ugaga soo qeybgalay dalka Turkiga waxaana lagu wadaa in Maanta meel fagaare ah qudbad ugaga jeediyo shacabka gobolka xaalada uu gobolku marayo iyo weliba shirka Maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO