DHAGEYSO:- Xildhibaano ka hor yimid in amniga Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Maamulka Gobolka

0

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaano kale oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaran kuna aadanaa wareejinta amniga caasimada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xiligan maamulka gobolka Banaadir lagu wareejin karin amaanka caasimada Soomaaliya, kadib markii hayadaha amaanka ay isku raaceen in amniga caasimada looga dambeeyo duqa Muqdisho.

“Waxaan ka xumahay amni darada soo korortay, iyo dayaca badan oo sababay iney dad badan ku dhintaan, taasi ayaa keentay in hadalo ay soo dhex baxaan, waad la socoteen in amniga Muqdisho lau wareejiyay duqa Muqdisho, awoodaas halkuu ka keenay taliyaha nabad sugida ma hogaanbaa” ayay yiraahdeen xildhibaanada kulanka yeeshay.

Xildhibaanada ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii dood dhanka amaanka ah xildhibaanada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dhamaadka todobaadkii hore ayay kulan ay yeesheen hayadaha amaanka Soomaaliya waxaa si rasmi ah loogu shaaciyay in amniga caasimada lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

HALKAAN KA DHAGEYSO