DHAGEYSO:- Agaasimihii hore ee Nabad sugida oo ka hadlay isbedelka imaan kara hadii amniga Muqdisho lagu wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir

0

Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha sababta u ah inay kordhiyaan weerarada.

Axmed Fiqi oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan meelaha nugul, isla markaana ay darsayaan gaabiska xaga amniga ee ka jira meelaha qaar.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Fiqi aragtidiisa ku aadan in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo amaanka guud ee caasimada Muqdisho wuxuuna qabaa in isbedel uu muhiim yahay si xal loogu helo amaanka laakiin waa in nidaamka dastuurka la raacaa isagoona carabka ku dhuftay in howl ay ku fashilmeen ciidamada diyaarsan aysan waxba ka qaban karin aragtidiisa maamulka gobolka Banaadir oo ciidamadooda uu ku sheegay rayid.

HALKAAN KA DHAGEYSO