WAR DEG DEG:- Ciidamo fara badan oo la soo dhoobay wadooyinka Magaalada baydhabo iyo Dareenka Shacabka oo kacsan

0

Ciidan fara-badan oo ka kala tirsan Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga, ayaa waxaa saakay lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala Magaalada Baydhabo, ka dib weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee labada maqaaxi lagu qaaday.

Qaraxyadan oo mid ka mid ah uu fuliyay nin naftii hurre ahaa, halka midka kalana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa si wuxuushnimo ah loogu beegsaday dad isaga casiriyeeynaayay maqaaxiyadahaasi.

Ciidamadan oo saakay lagu arkaayo wadooyinka Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxaa lagu sheegay kuwo suggaaya ammaanka, diyaarna u ah inay ka hortaggaan weeraro hor leh oo Ururka Al Shabaab uu ka gaysto Magaalada.

Weerarkan oo noqonaayo noociisii ugu khasaaraha badnaa oo markeliya ay Shabaabku ka gaystaan Baydhabo, ayaa sababay dhimashada 20 ruux iyo dhaawaca 60 kale. In ka badan 40 ruux dadka dhaawacmay waxaa xaaladoodu lagu sheegay inay garaab tahay.

Dadka reer Baydhabo, ayaa waxay si wayn u hadalhayaan weerarada uu dhiigga badani ku daatay, ee maleeshiyada Al Shabaab ka gaysatay Magaalada.

Mursal Macalin Isaaq oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, ayaa qaraxyadan ku sheegay kuwo si wayn u gilgilay Magaalada, dareen carro lehna uu ku dhaliyay dadka deegaanka.

Sidoo kale Nasra Ibraahim Mukhtaar oo ka tirsan dadka reer Baydhabo, ayaa sheegtay illaa iyo hadda inaanan la garanayn waxa loo laayay dad masaakiin ah oo ku nasanaayay maqaaxiyadaha.

Shabaab mayalka adag waxaa lagu tilmaamaa mid si wayn kaga soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dadka Somaliyeed, isla-marlaana ay bilaa qiil ku daadinayaan dhiigga ummada Muslimiinta ee Somaliyeed.