DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidamada Booliska oo muqdisho tababar ugu furay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska

0

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya, ayaa maanta tababar waxa uu u furay 40 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyed, kuwaasi oo muddo 30 cisho ah tababarkaan uga socon doono Magaalada Muqdisho.

Tababarkaan ayaa la xiriira Sare u qaadista Aqoonta Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliyed, waxaana Saraakiishaan lagu soo xulay Imtixaan uu ka qaaday taliyaha ciidamada Booliska Somaliya.

40 Sarkaal ee maanta tababarka loo furay, ayaa waxaa ku jira Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka Muqdisho, waxaana ay baran doonaan qaabka ku aadan la macaamilka Bulshada iyo baadigoobka dadka amnidarada ka geysta Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo tababarkaan u furay Saraakiisha ciidamada, ayaa sheegay muhiimada inay tahay in laga faa’iideysto tababarkaasi, islamarkaana loo baahan yahay wixii Saraakiisha ay bartaan inay ula tagaan Ciidanka intiisa kale.

Waxa uu sheegay askari hadii uusan laheyn Aqoon inuusan Bulshada u adeegi karin, isaga oo kula dar daarmay Saraakiisha in shacabka si daacad ah loogu adeego.

Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada tababarka loo furay, ayaa sheegay wixii ay bartaan mudada 30 cisho ah inay ula noqon doonaan Askartooda, kadibna la dhaqangelin doono.

Ciidamada Booliska Somaliyed oo qaabilsan ammaanka ayaa qabta shaqooyin kala duwan oo la xiriirta suggida ammaanka iyo qaadista dacwadaha kala duwan.

HALKAAN KA DHAGEYSO