DHAGEYSO:- Dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya oo isku raacay in la sii xoojiyo howlgalka AMISOM

0

Madaxda Wadamada Midowga Afrika ee ay Ciidamada Nabad Ilaalinta ka jooggaan Soomaaliya, ayaa waxay isku waafaqayaan in tallaabo adag oo militari laga qaado Ururka Al-Shabaab.

Madaxdan oo Axadii shir ku yeeshay Magaalada Djibouti, ayaa waxay ka soo saareen go’aan ay ku mideysan, oo la xiriira in la xoojiyo gulufka lagula dagaalamaayo Ururka Al-Shabaab.

Madaxda oo ka hadashay shirka, ayaa waxay si isu midda u sheegeen inay diyaar u yihiin in la xoojiyo hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro dhulka ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay shirkaasi, ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay iminka wadaan guluf ka dhan ah mintidiinta, sida uu yiri.

Madaxweynaha, ayaa sheegay inay tixgelinayaan hawlgalka xilligan ka soconaaya Soomaaliya, si uu u noqdo mid looga adkaado Al-Shabaab, Somaliyana u horseeda jawi degan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirka ka sheegay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay dan ugu jirto Wadamada Geeska Afrika, haddii aan la sii wadina hawlgalka lagula dagaalamaayo, ay carqalad ku noqon doonaan dhameystirka hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaanay daacad ka ahayn dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO