TOP NEWS:- Madaxweynaha Zimbabwe oo 300 oo Lo’ ah ugu deeqay Midowga Afrika

0

Madaxweynaha Dalka Zimbaabwe Ruperto Mugabe ayaa 300 Neef oo Lo’ ah ugu deeqay Hay’adda Midowga Afrika ee kobcinta Afrika.

Mugabe, arrintan u sameeyay iyada oo ay ku beegneyd dhalashadiisii 92aad ee Cimrigiisa,waxaana uu sheegay in uu gu talagalay in ladagaalanka Faqriga Afrika lagu xoojiyo.

Ku xigeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika, Erastus Mwencha,ayaa deeqday ku guddoomay Magaalada Harare ee Caasimadda Zimbabwe,halkaas oo ay ka dhacday Muanasibadda lagu guddoonsiinayay Lo’da Midowga Afrika.

Madaxweyne Mugabe, ayaa bishii la soo dhaafay wareejiyay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo uu haya Sanadkii 2015kii,waxaana uu ku wareejiyay Madaxweynah Dalka Chad Idris Deby.

Wargeyska ay leedahay Dowladda Zimbabwe ee Herald newspaper,ayaa sheegay in Madaxweynaha uu deeqdan ugu talagalay in lagula dagaallamo gaajada Afrika,hay’addana ugu dhiibay in ay kaga maaranto deeqaha Caalamka.

Deeqda Mugabe,waxaa ay ku soo aadday iyada oo inta badan Dalkiisa ay ka jirto abaar ay ku dhinteen dad kabadan 19,300 oo Qof,kadib markii ay waayeen Biyo iyo Cunto.

Waxaana Dowladda Zimbabawe ay Caalamka weydiisatay Gar gaar dhan 1.5 Bilyan oo Doollar,si ay ula tacaasho xaaladda abaareed ee ka taagan dalkaasi, taas oo saameeysay 4/1,Afar meelood meel ka mid ah tirade dadka Zimbabwe.