LIVE:- Xiisad colaadeed oo ka taagan Dhuuse Mareeb, Ciidamada Ahlusunna iyo Ciidamo uu hogaaminayo Sargaal lagu Magacaabo Liibaan Maxamuud oo Xaalad adag ay u dhaxeyso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaa ay ka jirto Xiisad Colaadeed oo u dhexeeysa Ciidamada Maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidamo uu hogaaminayo Sargaal lagu Magacaabo Liibaan Maxamuud Madaxweyne oo horay uga tirsanaa Milatariga Soomaaliya balse Ahlusunna ku biiray.

Xaafadaha ay Xiisaddu ka jirto ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Waabari iyo Waxara cadde,iyadoo la soo sheegayo in Ciidamada halkaa isku haya ay Difaacyo kala galeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xiisaddu ay timid ka dib markii Ahlusunna ay Dalbatay in Sargaalkaan uu soo wareejiyo Hubka islamarkaana uu ka biyo diiday Liibaan Madaxweyne.

Dhanka kale waxaa jira Kulamo ay leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna oo ay uga hadlayaan Xiisadda Magaalada ka taagan sidii lagu damin lahaa,inkastoo aan la ogeyn Natiijada ka soo baxday Kulamadaasi.

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo aan la xariirnay ayeysan noo suuro galin in aan haleelno.